korree
(Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2) (-reeyay, -raysay)Meel sare ku sugnaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh korree ↴
cagasaar [m.dh] (-ro, m.dh)
Meel la korayo ama laga degayo meelaheeda kala korreeya ee cagta la sii saarto.
deg [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Dhul korreeya hoobadka ah. 2. Daan (webi). 3. Garabka intiisa kore; qarqar.
guud [m.l]
1. Aan gaar ahayn. 2. Timaha dheer oo fardaha iwm surkooda, dhinaca kore, ku yaal. 3. Timaha weyn oo madaxa oo dadka deysto. 4. Wax kor u dheer, madaxa ugu korreeya; kore; sare; baar.
kood [m.l] (-dad, m.l)
1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (-do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa.
kore [Sifo | Attributive]
Meel sare ku sugan; korreeya.
korrayn [m.f.dh]
eeg korree.
rog [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax afka ama dhinaca korreeya u hoos marin; genbiyid; geddiyid. 2. Ka r.: ka qaadid; ka faydid. 3. Ka r.: alaab meel saaran ka dejin; ka wareejin. 4. Ku r.: ku daboolid; korka ka saarid; ku xirid. 5. Dib ugu laabid. 6. U r.: af af kale ku fasirid, ku tarjiumid. 7. Xoolo jaho foolkoodu aaddanaa jaho kale u jeedin.