kuma
(mu.we.l)(kuwama. w) Magacuyaale weyddiimeed oo lab oo wax ama qof lagu hubsado; waa ayo? yaa waaye?.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuma ↴
naatariyam-koloraydh [m.dh] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) (cusbada caadiga ah, NaCl). Adke cad oo laga helo biyaha badda iyo biyaha qaraar. Waxa kale oo laga helaa cusbo dhagax ah oo dabiici ahaan u tuuran meelo gaar ah. Waxa lagu isticmaalaa dhanaanaynta cuntada iyo dhawridda tayadeeda. Dhinaca warshadaha, waxa loo isticmaalaa walaxda cayriin ee laga sameeyo naatriyam kaarboonayt (habka Solfey), naatriyam haydarogsaydh (danabsoocid) iyo saabuunta. Naatriyam koloraydhu badanaaba kuma milanto alkohoolka.
uluufaad [m.l.t]
Tiro kumanyaal gaarta.
waayo [e.we]
1. Waa ayo?, waa kuma? 2. Sababtu maxay tahay?
alkuman [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-unnay,-unnantay; -unni)
Wax la alkumay noqosho (gabar).
alkuman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-unnaa, -unnayd)
Wax la alkumay ahaansho (gabar).
alkumasho [m.f.dh]
eeg alkumo.
ayo [e.we]
1. Kuma?, kee?, tuma?, tee? 2. Waa a.?: waa kuma?, yaa waaye?.
baariyam-salfeyt [m.dh]
(kiim.) Adke cad oo ugu jira macdanta baraytyada si dabiici ah. B. s. kuma milanto biyaha.
beritalsis [m.l]
(daaw.) Dhaqdhaqaaq mawjadda oo kale ah oo ku socda xubnaha qaarkood ee jirka kuma xirna rabista qofka, wuxuuna caan ku yahay xubnaha ka sameysan muruq wareegsan iyo muruq dherer u dhigan - sida: xiidmaha.
cufnaan u-eegan [m.l]
(fiis.) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.