lafdi
(m.l)(nax.) Qaabka codeed ee astaan afeeddu ay leedahay, yacni ereyga qaabkiisa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lafdi ↴
astaan [m.dh] (-aamo, m.l)
(nax.) Curiye muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). “A. kooban”: hal erey ama in ka badan oo la soo koobo, badanaana waxaa la qaataa erey waliba xarafkiisa ugu horreeya. Tus. “sh. = shilin, U.N. = United Nations”.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg