Site icon Qaamuus

ereyga

laxaad
(m.l)

ld lixaad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh laxaad

kaaftoon [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Awoodda ku darsamidda ee curiye ama xidishe leeyahay, oo le eg tirada atammada haydarojiinta ah ee ku darsama ama barabixiya hal ataam oo curiye ah. Molikuyuullada dabarwadaagga ee fudud kaaftoonkooda si toos ah ayaa loo helaa, tusaale ahaan kaaftoonka kaarboonka ku jira CH waa 4, kan naytarojiinta ku jirta NH3 waa 3. Ayoonnada kaaftoonkooda waxa loo tixgeliyaa in uu u dhigmo laxaadka saldanabka.

xaddi leeb [m.l] (-iyo ..., m.l)
Xaddi leh jiho iyo laxaad, waxaana ka mid ah barabaxa, kay-naanka keynaan xagleedka, xoogga iwm xad-di leebka waxa sawir ahaa u taagnaan kara xariiq (leeb) dhererkeedu uu saamiggal ku yahay laxaadka xaddiga, jihadeeduna uu yahay ka leebkaas.

xaddi-foolwaa [m.l] (-iyo ..., m.dh)
(xis.) Xaddi sida: cuf, dherer, waqti, cufnaan ama tamar oo leh baaxad ama laxaad; hase yeeshee aan lahayn jiho. Xisaab ahaan xaddiyadan oo kale waxaa la yiraahdaa xaddi foolwaa.

aflaxaad [m.dh]
ld aflixid.

cabbire-selsiyas [m.l] (-rayaal ..., m.l/dh)
(fiis.) Cabbir heerkul ee barta barafku yahay 0ø; barta karkuna tahay 100°. Digriiga selsiyas (Summad: °C) waa 1/100 gaaliska heerkulka, waxana uu laxaad ahaan le'egyahay kelvin (°K).

dabar [m.dh]
(kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 >kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).

dhammays [m.l]
1. Dh. ah: ilmo shinkiisii ku dhashay. 2. Dh. ah: qof laxaad weyn. 3. ld dhammayn.

dhows [m.l]
Nin laxaad weyn leh oo nacas ah.

foolwaa [m.l]
(xis.) Xaddi leh laxaad, hase yeeshee aan lahayn jiho. Barbar dhig leeb.

geri [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Naasley ugaarta ka mid ah, laxaad weyn, Afrika laga helo, raamsata, luqunta iyo addimada u dheer, oo leh harag adag oo barbarro leh. 2. Ul yar oo u dhexeysa laanta digirta iyo balagg.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version