lisid
(m.f.dh)eeg lis². ld lis¹ (3), lismo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh lisid ↴
haaneed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Hal iyadoo bidixda laga taaganyahay haruubka jilibka lagu hayo lisid. 2. ld haneedi. ld haaneedi. haneedi, haaneedi
haaneedi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Haaneed ka dhigid; qurxin. 2. Lisid u diyaarin (geed). 3. ld haneed². haneed
haaneedis [m.dh]
Haaneedka iska taagid oo lisid (geel). ld haaneedid. haaneedid
maal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Neef irmaan caano ka lisid.
xaglisid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xaglis². ld xaglis¹.
barqammaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
Waqti barqo ah, xoolo lisid.
dambari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Neef dhalay dambar ka lisid.
darandoorri [f.g/mg1/2] (-iyay, -iday/isay; -iyi)
1. (f.g) Neef geel ah, laba nin hal mar si dhaqso leh u wada lisid. 2. (f.g) Rasaas iwm si aan kala go'lahayn u ridid. 3. (f.mg) Si isdabajoog ah cagaha dhulka ula dhicid.
dawdabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Caano, biyo iwm si dhaqso leh u cabbid. 2. Hal si dhaqso leh u lisid.
dharaarmaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Xoolo maalin weyn lisid. 2. Xoolo si tuugannimo ah maalin u maalid.