macal
(m.dh) (-clo, m.dh/-calo, m.l)Cadka aan lafta lahayn oo cunaha idaha ka laallaada.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh macal ↴
waa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
Qurub lagu muujiyo waxa laga
sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa
yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee
dugsiga'.
daac [m.dh]
Qabatoon; macaluul; diihaal. qabatoon, macaluul, diihaal
yeerso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Arday quraan qoranaaya aayadda uu marayo macallinka u sheegid si midda ku xigta loogu sheego.
bare [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Qof aqoon u leh habka dadka wax loo baro, kuna shaqeeya; macallin.
bowsi [m.l]
Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macalin toos ah laga baran. ld bowsasho.
bowso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macallin toos ah laga baran helid.
cashar [m.l] (-rro, m.dh)
1. In aqoon ah oo macallin u gudbiya arday hal xiso, dersi. 2. Tahliil.
fariisin [m.l]
1. Meel xoolo ama dad la dejiyey. 2. Hantida ugu horreysa ee macallin quraan laga siiyo arday markaas loo keenay. 3. Dhanka laga fariisto lo'da marka la lisayo. 4. Mingis-seeridda marxaladda labaad. ld fadhiisin².
farsug [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
Arday in looxa macallinku cashar ugu qoro sugid.
ido [m.l]
Ariga intiisa leh bari weyn, macal, iyo dhogor badan.