Site icon Qaamuus

ereyga

macdan
(m.dh)

(macaadin, m.dh) 1. Dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee laga helo dhulka hoostiisa. 2. Walax bir ama birwalb ah oo dhulka gudihiisa laga helo sida dahabka, maarta, batroolka. 3. Maaddada alumminyam.

macdan
(m.l)

(macaadin, m.dh) (kiim.) Walax dabiici ah, oo noole aan ahayn ama aan ka imaan, oo leh isku dhis kiimikaad, isla markaasna leh astaamo fisikeed iyo kiimikeed oo cad. Halkaa waxaa ah ilaa 2000 macdanood oo la maranayo, oo leh qaabab wiriqeed oo kala duwan, laakiin macaadinta bah wadaagta ah kala duwanaashahoodu waa yaryahay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh macdan

ibriiq [m.l] (-qyo, m.l/dh)
Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad. kirli, jalmad

ogsajiin [m.dh]
(kiim.) Neef laba atamle ah oo aan ur iyo midab midna lahayn. Curiyaha ugu horreeya ururka VI ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxa ay ku jirtaa atomosfiyeerka, macdanta badankeeda, iyo dhagaxda. Ogsajiintu waa curiye lama huraan u ah noolaha oo dhan. Ogsajiinta curiyaha ahi waxa ay leedahay laba qaab: molikiyuulka laba atamlaha ah (O) iyo molikiyuulka deganaanshaha yar ee saddex-ogsajiin (Osoon), O. Osoonta waa jinsi ka mid ah jinsiyada ogsajiin.

qaaddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.

waagii birta [m.l]
(waayahii ..., m.l) (taar.) Waagii ka dambeyay waagii macdanka, markaas oo birtu ay beddeshay macdanka xagga hubka iyo qalabka kale; waaga birtu wuxuu astaamiya heer dhaqameed bani'aadam oo ka dhexeeya dadyowga kala duwan ee ma astaamiyo muddo cad oo waqtiyaysan.

waagii macdanka [m.l]
(waayahii ..., m.l) (jool.) Waagii dadku qalabka iyo hubka ay isticmaalaan ka samaysan jireen maar iyo tiin la isku dhafay. Waagani ma sheegayo waqti go'an oo taariikheed oo si taxane ah ugu xidhiidhsan dhacdooyin ka horreeyay; hase ahaatee, waagani wuxuu tilmaamayaa marxalad dhaqameed oo dadyow badan oo dunida ku nooli soo mareen, marka la eegayo horumarkii ay soo sameeyeen laga soo billaabo waagii alabka dhagxaanta laga samaysan jiray ilaa laga soo gaaro waqtigii la bartay qalabka xadiidka.

waayir [m.l] (-rro, m.dh)
Xarig macdan ah; silig.

xaddiid [m.dh] (-dyo, m.dh)
Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka oo ku jira macdanno badan, gaar ahaan ogsaydhada (hamatayt iyo magnitayt) iyo kaarbooney-tyada; bir.

alxan [m.l]
1. Macdan si sahlan dabku u dhalaaliyo oo wax lagu kabi karo. 2. ld alxamid.

baaldi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Weel caag ama bir ka samaysan oo af ballaaran iyo siddo la qabsado leh oo biyaha lagu shubto ama lagu qaato. 2. Weel macdan ka samaysan, abbur iyo siddo la qabsado leh oo caanaha lagu shubto; jeeg.

baariyam-salfeyt [m.dh]
(kiim.) Adke cad oo ugu jira macdanta baraytyada si dabiici ah. B. s. kuma milanto biyaha.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version