Site icon Qaamuus

ereyga

madhxin
(m.dh)

(fiis.) Summad C. Astaanta keydinta saldanabka ee ay gudbiye ama urur gudbiyeyaal iyo ma-gudbiye leeyihiin. Madhxinta madhxiye waa saami saldanabka Q ee hal gudbiye iyo keyd faraqa u dhexeeya labada gudbiye. Halbeegga madhxintu waa farad. C = Q/V.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh madhxin

faradh [m.l] (-dho, m.dh)
(fiis.) Summad F. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee madhxinta, waxana loo qeexaa madhxinta madhxiye kasbaday saldanab 1 kuulam, marka keyd taraqiisa la gaarsiiyey 1 foolt. F. waa halbeeg ka weyn istiicmaalka caadiga ah, waxana la qaataa jajabkiisa oo ay ka mid yihiin biiko-f. (PF) iyo maykaro f. (μF).

hakis [m.l]
(fiis.) Summad: X. Dhalanka mareeg leh saagin ama madhxin oo wadajir ahaan caabbiga mareegta kula dhaliya xayir. Hakiska waxaa lagu cabbiraa oom.

madhxiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(fiis.) Ratibaad laba gudbiye oo uu ma-gudbiye u dhexeeyo, leh awoodda kaydinta saldanabka. Madhxinta madhxiyuhu waxa ay ku xirantahay xajmiga, qaabka iyo habka ratibaadda gudbiyeyaasha.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version