majuuji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Maro qoyan, liin iwm xoog u maroojin si hooraha ku jiro looga saaro.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh majuuji ↴
camajuuji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dhinacyadiisa si xoog leh isugu keenid. ld camandhuuji, camanjuuji.
camajuujin [m.f.dh]
eeg camajuuji. ld camadhuujin, camajuujis, camanjuujin.
camajuujis [m.l]
ld camajuujin.
majiir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Wax jahada uu u socday ka weecin. 2. Maro qoyan majuujin si biyuhu ugu daataan. 3. Is m.: wax socda dhankii uu ka yimid isla markiiba ku noqosho. 4. Isku m.: meel ciriiri ah xoog ku dhexmarid.
majuujin [m.f.dh]
eeg majuuji. ld majuujis, majuujo.
majuujis [m.l]
ld majuujin.
majuujisasho [m.f.dh]
eeg majuujiso.
majuujiso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Maro iwm oo qoyan maroojin si biyaha looga saaro.
majuujo [m.dh]
ld majuujin.