Site icon Qaamuus

ereyga

maldah
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-hay, -hday; -dihi)

Hadal sarbeebid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maldah

af [m.l]
(afaf, m.l) 1. (nax.) Hadal ay bulsho u adeegsato sidii ay isku wargaarsiin lahayd, luqad. 2. A. guud: af ka dhexeeya ummad isku qaran ah, waxaana loo adeegsadaa siiba xagga warbaahinta iyo waxbarashada; a. qoraal: qaab afeedka la adeegsado marka wax la qorayo, kaasoo u dhow ama la xariira qaabka suugaanta, sidaa daraaddeed wuu ka adagyahay, siiba xagga weereynta, qaabka afka ee tiraab ahaan loo adeegsado; a. tirabeed: qaab afeedka la adeegsado marka si caadi ah loo hadlayo; a. maldahan: hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ay ku dhex qarsoontahay; wuxuuna xallad u yeela siiba hadalka suugaanta.

afmaldah [m.l]
Hadal daboolan oo duluc ama ujeeddo kale ku dhex qarsoontahay.

afmaldahid [m.dh]
Af maldahan ku hadlid. ld afmaldihid.

baaq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Cod dheer oo ay isugu yeeraan dad badan oo raabe-raabe u socda si aanay u kala lumin. 2. Cod ama calaamad gaar ah oo ciidan isugu afgarto. 3. Hadal ama dhaqdhaqaaq maldahan oo cid wax lagu fahamsiyo. 4. ld baaqid.

maldahan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-hnaa, -hnayd)
Wax la maldahay ahaansho (hadal).

maldahnaan [m.f.dh]
eeg maldahan. ld maldahnaansho.

maldahnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. eeg maldahnow. 2. ld maldahnaan.

maldahnow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-naaday, -naatay)
Wax la maldahay noqosho (hadal).

maldihid [m.f.dh]
eeg maldah.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version