male
(m.l) (-layaal, m.l/dh)1. Wax aan la hubin. 2. (fk) Mindhaa. 3. ld malo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh male ↴
oddoros [m.l]
1. Qiyaas lagu maleeyo roob meel durugsan ka da'ayo. 2. Cilmi lagu male-awaalo waxa mustaqbalka dhici doona.
oddoros [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Roob muuqda meeshuu ku da'ayo qiyaasid. 2. Mustaqbalka waxa dhici doona ama soo socda maleawaalid.
saadaal [m.dh]
1. Astaamo iyo calaamado muujinaya wax dhici doona. 2. Malaynta wax dhici doona la maleeyo; odoros. saadaal
armaa [Falkaab | Adverb]
Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; ma laga yaabaa in, billaa. Tus. “Armuu Cali ii imaan doonaa”. ld amaa.
awaal [m.l]
1. Saad; male. 2. awaalid.
billaa [Falkaab | Adverb]
Erey lagu muujiyo waxa loo maleeyo in ay dhacayaan; laga yaabaa in; armaa. Tus. “Billuu keen?”.
guulwade [m.l] (-dayaal, m.l)
Mid ka mid ah ciidamada maleesiyada ummadda.
ismale'eg [m.dh] (-gyo, m.dh)
(xis.) Weedh xisaabeed sheegaysa in tibaaxi ay ka weyntahay ama ay ka yartahay tibaax kale qiime ahaan. Waxa la adeegsadaa summaddahan > iyo <. x > y, waxa loo akhriyaa “x waa ay ka weyntahay y”, iyo x < y waxa loo akhriyaa “x waa ay ka yartahay y”. Summadda >= waa ka weyn ama le'eq, summadda <= waa ka yar ama le'eq.
ismoodsii [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iiyay, -iisay)
1. (f.g) Wax is gudbin. 2. (f.mg) Wax, wax kale maleyn.
macne [m.l] (-nayaal, m.l/dh)
1. Ulajeeddada erey ma hadal ka dambaysa. 2. Qeexidda wax la sharxay la siiyo. 3. Faa'iido: macne maleh: faa'iido maleh. ld macno, micne, micno.