Site icon Qaamuus

ereyga

Mar

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. (-rar, m.l) Waqti la yaqaan oo bilow iyo dhammaad leh; goor, kol. 2. M.kayga, m.kaaga iwm: kolkayga, kolkaaga iwm. 3. M.kiiba: isla waqtigiiba, durba. 4. ld marid.

Mar

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-ro, m.l)

1. Wax walba ee dumarku dhexda ku xirtaan. 2. Qiimaha naagnimo.

Mar

Qaabnaxa: Xiriiriye | Conjunction Isrogrogga:

1. (nax.) Isla m.ka ama isla m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah oo tilmaamaysa fal dhacay isla waqtigii midka weerta xorta ahi uu bilaabmayo. Tus. “Isla markii uu yimid shaqo ayuu bilaabay”. 2. (nax.) M.ka ama m.kii: oraah lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Markii uu Warsame dhoofay ayaan gegida dayuuradaha ka soo noqday”.

Mar

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

1. Meel gudbid. 2. Dhaarasho. 3. Wax, wax ku duubid. 4. Wax baabuur iwm dardarid. 5. Nafley dabayl jin iwm ku dhicid. 6. Isku m.: wax xoog isku duubid. 7. Isu m.: laba meel oo kala jaho ah socod gaadiid iwm ku wada gaarid.
samareeb*

Wax fiican oo waxtar leh sabab u noqosho.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Kamarad*

Aalad wax sawirta. Kaamiro.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Marjo*

Marjo hebel ama heblaayo  Waa marjo oo howshii loo diro maqaban karaan wax matare Waa marjo Qofkaan Waa marjo oo wax maqabsato maqab san karto howsheeda oo waa marjo


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga mar

aadaan | aadiraac | aakhiro | eber | ib | ibagorayo | ibagurayo | ibaguryee | ta | taab |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version