Site icon Qaamuus

ereyga

maraq
(m.l) (-rqo, m.l)

1. Meyrax la jilciyay oo geela naasaha looga maro si aan loo nuujin. 2. Fuud.

maraq
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-rqay, -raqday)

Hal irmaan afarteeda naas oo dhan ama qaar ka mid ah marid, si aan loo nuugin, ama loo lisin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh maraq

baamiye [m.l]
Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.

calas [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin.

dabaggorayo [m.dh]
Meel ku aaddan maraqsaarka awr dhaan ah, heeryadu ka furantahay wax la geshado.

dhacso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Qof wax laga dhacay xoog ku soo ceshasho. 2. Nirig naas maraq ka furasho.

dhibi [m.dh]
Madowga maraqsaarka awrta qooqan ka muuqda kana samaysma kaadi uu isku sayray. ld dhebi².

furfur [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
F. ah: soor gallay oo maraq lagu kariyay oo aan budo lagu darin si ayna isku dhegin.

fuud [m.l]
Dhacaanka ka baxa hilib xoolaad ama mallay iwm. oo biyo lagu kariyey; maraq.

fuudsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Nafley maraq cabsiin.

heen [m.dh]
Subagga fuudka ama maraqa.

iidaan [m.l]
Subag, caano, maraq iwm oo cuntada yaabisnimada looga ba'sho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version