Site icon Qaamuus

ereyga

Mawjad

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-do, m.l)

1. Dhaqdhaqaaqa biyuhu sameeyaan marka ay dabeeshu ku dhacdo. 2. Qulqul baahsan, xiriir ah oo ay samayso korontadu marka hawada lagu sii daayo. ld mowjad, hir.

Mawjad

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-do, m.l)

(juqr.) Kicidda iyo degista oogada badda, ugu dhowaan laba jeer maalintii, oo uu dhaliyo cufisjiidadka dayaxa iyo xoogga kan qorraxda ah. Oogada badweynta, faraqa u dhexeeya mawjadaha sare iyo kuwa hoose wuu ka yaryahay 1 m.; laakiin badaha godan ee qaaradaha xadka la leh waxaa laga yaabaa inuu ka bato 6 m., mawjadaha afafka dhuuban ee webiyada wuxuu gaadhaa 15 m. ama ka badan. Qulqul mawjadeed: waa u socodka biyaha mawjadda xagga khoori, af-webi, deked, iwm ee fatah mawjadeedka ama dusheeda ama mawjad noqdo.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga mawjad

xaaxi | afwebi | beritalsis | dabayl | ekogaraafi | ekokardiyogaraafi | mawjad-dayreed | mawjad-gaaban |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version