Site icon Qaamuus

ereyga

munaasab
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

M. ah: hadal habboon ama macquul ah. ld munaasib.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh munaasab

oraah [m.dh] (-ho, m.l)
1. hadal xigmad xambaarsan oo munaasabad ama waqti gaar ah loo adeegsado. 2. Ereyo la isu geeyey oo macna la fahmo sameeya. 3. Hadal. ld oroh.

xaflad [m.dh] (-do, m.l)
1. Isu-imaadka dad badani meel isugu yimaado iyagoo xusaya munaasabad muhiim ah. 2. Fantasiyaha loo sameeyo aroos iwm.

barkhadle [m.l]
Qasiido haweenka u gaar ah oo la tiriyo munaasabadaha aroosyada.

galbis [m.l]
Ciyaar dumarka u gaar ah oo la cayaaro, sida buraanburka, munaasabadaha aroosyada.

munaasabo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Wakhti arrin wax ku qabashadeed ku habboon.

munaasib [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
ld munaasab.

qallooc [m.l] (-cyo, m.dh)
1. Qaab dhan u janjeera oo aan toosnayn. 2. Q.ah: hadal aan munaasab ahayn.

qalloocan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-cnaa, -cnayd)
1. Wax qaab toosnayn oo dhan u janjeera leh ahaansho. 2. Hadal wax aan munaasab ahayn ahaansho. 3. Qof aan dabeecad wanaagsan lahayn ahaansho. ld qalloocsan.

shirbo [m.dh]
Ciyaar hees iyo sacab leh oo la tumo munaasabadaha aroosyada.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version