muraad
(m.l) (-ddo/-dyo, m.dh)1. Dan; ujeeddo. 2. Allebari; sab.
muraad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)U m.: cid ama meel dan ka yeelasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muraad ↴
dansheego [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
U d.: qof muraad uu leeyahay qof u sheegasho.
hankaag [m.l]
Daal iyo dhibaato badan lagala kulmo socod muraadkii lagu hungoobay.
istikhaaro [m.dh]
Salaad sunno ah, soon iyo ducooyin loo sameeyo muraad adkaaday in Eebbe sahlo.
munaaddee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
ld muraaddee.
munaaddeyn [m.dh]
ld muraaddeyn.
munaaddo [m.dh]
ld muraaddeyn.
muraaddee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Wax xaraashid ama qiimo jaban ku iibin. ld munaaddee.
muraaddeyn [m.f.dh]
eeg muraaddee. ld munaaddeyn, munaaddo, muraaddo.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg