Site icon Qaamuus

ereyga

muran
(m.l)

Dood aan layska gar qaadanayn oo asaraar miiran ah.

muran
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-rmay, -rantay; -rmi)

La m.: si asaraar ku jiro cid ula doodid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh muran

akeekan [m.l]
1. Muran hagag ku jiro; cilaaq. 2. ld akeekamid.

asaraar [m.l]
1. Muran wax jira lagu diidayo. 2. ld araarid.

asaraartan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
La a.: cid, cid kale oo muran wadda asaraar kala hortagid.

cargaagtan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
1. Dhawaaq, geedo burburin iwm uu ku kaco libaaxa marka uu caroodo. 2. Muran aan go'aan lahayn ku hadlid.

cilaaq [m.dh]
1. ld ilaaq. Hadal aan milgo lahayn oo iska muran ah. 2. Saxaro.

cilaaq [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-qay, -qday)
1. ld ilaaq 2. Muran maag iyo hagag leh cid u jeedin. 2. Saxaro dhigid.

cilaaqtan [m.l]
Isdhaafsashada hadal muran iyo hagag leh. ld ilaaqtamid.

cilaaqtan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
La c.: laba qof, hadal muran iyo hagag leh isdhaafsasho. ld ilaaqtan².

dood [m.dh] (-do, m.l)
Hadal lagu falanqaynaayo arrin lagu muransanyahay oo la rabo in laga gungaaro.

dood [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Arrin lagu muransanyahay oo la rabo in lagu gun gaaro ra'yi ka jeedin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version