Site icon Qaamuus

ereyga

murux
(m.l)

1. Miraha qaarkood sida garaska iwm oo dubkii kore laga qaaday. 2. M. ah: qof qaawan. 3. M. ah: wax aan diir lahayn. 4. ld murxid.

murux
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-rxay, -ruxday; -rxi)

Wax dubkii ka dhacay noqosho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh murux

galaammurux [m.l]
ld garaammurux.

garaammurux [m.l]
Waxyaalo aan isku midab ekayn oo isku darsamay oo midab hor leh oo isku googoo'an yeeshay. ld galaammuru.

muruxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax la murxiyey ahaansho. 2. Wax qaawan ahaansho.

muruxsanaan [m.f.dh]
eeg muruxsan. ld muruxsanaansho.

muruxsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld muruxsanaan.

murxid [m.f.dh]
eeg murux². ld murux¹ (4).

xuubso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
1. Xuubka hore ka diirasho, ka muruxso. 2. Canaan iyo dagaal kulul cid ku samayn.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version