murxi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)1. Wax dubka ka qaadid. 2. Wax qaawin. 3. Harag iwm dhogorta ka hoolid. 4. Qof meel madal ah aad ugu canaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh murxi ↴
garoon [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-may, -ntay)
1. Dhul geedo ka dhammayn. 2. Madax timo ka murxi.
moordi [Magac Lab | Noun Masculine]
1. Cadhada xoolaha murxisa. 2. Meseggada yaryar ee midabka guduudan leh.
murux [m.l]
1. Miraha qaarkood sida garaska iwm oo dubkii kore laga qaaday. 2. M. ah: qof qaawan. 3. M. ah: wax aan diir lahayn. 4. ld murxid.
muruxsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax la murxiyey ahaansho. 2. Wax qaawan ahaansho.
murxid [m.f.dh]
eeg murux². ld murux¹ (4).
murxin [m.f.dh]
eeg murxi.
qardow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Qof gammaan ama rakuub in muddo ah saarnaa cajirrada ka murxid ama jiira-go'id.
sarriiji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax sharafta iyo haybadda ku xun qof ku qasbid. 2. Wax dhogorta ka murxin.