Site icon Qaamuus

ereyga

qaadis
(m.dh)

ld qaadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaadis

eedqaadis [m.dh]
ld eedqaadid. eedqaadid

jaanqaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Qaadista tallaabada, shanqar ka yeersiin (qof kabo qaba). 2. Saanqaadid; socosho.

qaad [m.l]
1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”.

qaadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaad². ld qaad¹ (4), qaadis.

afarqaadis [m.dh]
ld afarqaadid.

ballanqaadis [m.dh]
ld ballanqaadid.

casilaad [m.dh]
1. Ka qaadista nin siyaasi ah xilka. 2. ld casilid.

iritorosaytis [m.l] (-syo, m.dh)
(c.nafl.) Nooca ugu badan tiro ahaan unugyada dhiigga, kuwaas oo ka kooban midab cas oo loo yaqaan himogolobiin, isla markaana wuxuu masu'uul ka yahay qaadista ogsajiinta.

menijiito [m.dh]
(daaw.) Cudur ka mid ah cudurrada la is qaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada loo yaqaan “neisseria meningitidis” waxana la isugu gudbiyaa qufaca, hindhisada wuxuuna badanaa ka dillaacaa meelaha dadku ka badto, ilmaha ayaa u jilicsan qaadista cudurka.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version