qalin
(m.l)1. Qalab af dhuuban oo wax lagu qoro. 2. Lacag (macdan). 3. Summad geela lagu dhigo oo ah diillin daanka loogu jiido si gudub ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qalin ↴
laabbis [m.l] (-syo, m.dh)
Qalin qori ah oo dhexda dhuxul madow uga jirto; qalin rasaas. ld laabis. laabis
saayaq [m.l] (-qiin, m.dh)
Nin qalinka, dahabka iwm ka sameeya waxyaalaha lagu xarragooda.
tabaashiir [m.l]
Wax qalin ahaan lagu qoro sabburadaha.
aflax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -lixi)
1. Qalinjebin (dugsi quraan). 2. Waxbarasho heer wacan ka gaarid.
billad [m.dh] (-do, m.l)
Gabal yar, fidsan, wareegsan oo dahab, qalin, maar iwm middood ka samaysan oo astaan ama hadal inta lagu qoro abaalgud ahaan lo baxsho.
buufbuuf [m.l] (-fyo, m.dh)
Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.
ciyi [m.l]
1. Waqti jiilaal ah, reero shiraystay, hilibka ay siiyaan cid aan wax qalin. 2. Xarar lagu dhigo rarada ama weel.
dhegadhego [m.l]
Qalab ka samaysan dahab, qalin, macdan iwm oo ay dumarku dhegaha gashadaan; hilqado.
dhig [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. (f.g) Wax la siday meel saarid. 2. (f.g) Wax keydin. 3. (f.g) Qalin, teeb iwm wax ku qorid. 4. (f.g) Cid wax barid. 5. (f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid. 7. (f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid. 8. Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho. 9. Kala dh.: wax kala saarid. 10. Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.
dugaagad [m.dh] (-do, m.l)
Garaangar dahab, qalin iwm ka sameysan oo haweenku gacmaha gashadaan xarrago darteed.