Qawl
Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:1. Curdanka baarka geedaha ka soo baxa. 2. Hadal; erey. 3. Q. leh: qof axdi leh. 4. Cabbitaan qof jirran afka loogu shubo; kawl.
Qawl
Qaabnaxa: Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1 Isrogrogga: (-wlay, -wshay)1. (f.g) Cid jeenan siin. 2. (f.mg) Hadal dhihid. 3. (f.mg) Curdan bixin (geed). 4. (f.mg) Si wanaagsan u korid (ubad, geel iwm.).
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga qawl ↴
qawlad | qawlal | qawlal | qawlalan | qawlalid | qawlalnaan | qawlalnaansho | qawle |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg