ratib
(m.l)ld raatib; ld ratibid.
ratib
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-bay, -btay)Hawl fulinteeda cid u xilsaarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ratib ↴
naanays [m.dh] (-syo, m.dh)
(kiim.)Hab loo qoro iskudhis kimikaad iyadoo la isticmaalayo summadaha atamyada ku jira. Hoosgalayaashu waxay u taaganyihiin tirada atamyada. Naaneys molikiyuulku waxay ku tustaa oo keliya nooca iyo tirada atamyada ah ee ku jira iskudhiska. Dhis naaneys molikuyuulkuna waxay muujisaa sida atammadu u ratibanyihiin.
raatib [m.l]
1. Quraan akhris, werdi iwm oo waqti go'an si joogto ah loo sameeyo. 2. (-byo, m.dh) Laba iniinood oo ka mid ah iniinaha tusbaxa oo tirooyin go'an u kala qaybiya tusbaxa middood. ld ratib¹ (1).
rabaqaad [m.l] (-dyo, m.dh)
(xis.) Ratibaad kasta oo kutirsaneyaasha urur la siinayo horsiimo huban. Summadda nP, waxay u taagantahay tirada raabaqaad n shey oo markiiba la qaato r shey sida; 5P3 waa tirada raabaqaad 5 shey oo markiiba la qaatay 3 shey.
urur [m.l] (-rro, m.dh)
1. (kiim.) Marka la eego tusaha falgalka curiyayaasha, waa tax curiyayaal ah oo kiimika ahaan isu'eg lehna ratibaad elektaroonikaad oo isu'eg. Ururku waa curiyayaasha joog u taxan ku wada jira ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Marka la eego kiimikada orgaanikada ah, waa atam ama koox atamyo ah oo xukuma astamaha gaarka ah ee molikiyuulada ku wada jira bah gaar ah. 2. (kiim.) Ururinta walxo nooc kasta leh. Walxaha sameeya urur waxa lagu magacabaa kutirsaneyaasha ama xubnaha urur.
xagal [m.dh] (-glo, m.l/-llo, m.dh)
(xis.) Saxan ka samayma ratibaadda laba xarriigood (dhinacyo ama gacmo) oo ku kulma bar lagu magacaabo geeska xagasha. Halbeegga waa darajo ama gacansin.
xagal-adke [m.l] (-kayaal, m.l/dh)
(xis.) Ratibidda saddex addimaale ka sammaysma dhammaan xarriiqyo bar ka soo unkama halka bar wadaag ah isla markaana dhex mara xood sallax oo oodan.
alluumiiniyam [m.dh]
(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.
dhexeeye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(xis.) Urur kasta oo daato ah marka loo ratibo horsamaan baaxadeed ama fanata tirada ama walaxda ku aaddan bartamaha ururka.
horatibyee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-yeeyay, -yeysay)
1. Wax dedejin si ay u dhammaadaan. 2. Wax taqaantuqin. ld horatabyee, horutibyee, horutubyee.
horatibyeyn [m.f.dh]
eeg horatibyee. ld horatabyeyn, horutibyeyn, horutub-yeyn.