Site icon Qaamuus

ereyga

rigo
(m.dh)

Isu imaanshaha ciidan ay si nidaam ah meel isugu imaadaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rigo

fansaar-tirigonometari [m.dh] (-rro ..., m.l)
(xis.) Fansaarro leh qiime maangal sida sin(x), cos(x) iyo tan(x) ee laga helo dheehashada qaar ka mid ah saamiyada dhinacyada saddex-xagal qumman.

rigoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ciidan rigo u istaagid.

rigoore [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Laad xor ah oo laga gano meel 11 (kow iyo toban) tallaabo u jirta goolka afkiisa (kubbadda cagta).

rigrigo [m.dh]
1. ld rigrig 1. Tolmo isdhaafdhaafsan oo weelka afkiisa lagu sameeyo si dilaaca looga ilaaliyo. 2. Dagaal weyn oo lagu hoobtay.

rigrigo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
Weel rigrig ku tolasho.

tirigonometeri [m.l]
(xis.) Laanta xisaabta ee ku saabsan furfurista saddex-xagallada iyada oo la adeegsanaayo fansaarro tirignometiyeed. Waxa ay qiime aad waxtar leh u leedahay maadooyinka sida: injineeriya, nakhsha-daynta, sahminta badmaax, cilmifalag iwm, waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah: tirignometeriga sallaxa oo ku saabsan saddex-xagallo sallaxaha iyo tirignome-tiriga kubbadeed oo ku saabsan saddex-xagallo kubbadeed. Fansaarrada tirigo-nometeriyeed waxaay kaalin muhiim ah ka qaataan saafidda waxaana loo adeegsadaa in lagu muujiyo birar iyo finoomino.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version