Site icon Qaamuus

ereyga

Shakaal

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-llo, m.dh)

1. Summad alif gudban ah oo xoolaha looga sunto addinka hore. 2. Xiridda faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig iwm looga xiro. 3. Celinta gacan jaban ama dhaawacan lagu celiyo xarig qoorta suran.

Shakaal

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

(xis.) Dhinaca ka soo horjeeda xagasha qumman ee saddex-xagal qumman. Saamiyada dhererka shakaalka iyo dhererrada dhinacyada kale waxa lagu adeegsadaa tirignoometerega si loo helo fansaarada saynka iyo koosaynka ee xaglaha.

Shakaal

Qaabnaxa: Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1 Isrogrogga: (-aalay, -aashay)

1. (f.g) Faras, geel, iyo baqal laba lugood oo isku dhan ah xarig uga xirid. 2. (f.mg) Xarig qoorta surid si gacan dhaawac ah loogu celiyo.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga shakaal

kosayn | shakaalan | shakaalid | shakaalnaan | shakaalnaansho |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version