Site icon Qaamuus

ereyga

Shaqal

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Sharrax lagu qurxiyo weelasha, albaabada, dariishadaha iwm.

Shaqal

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-llo, m.dh)

(nax.) Xaraf keligii lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo; shaqalladu waxay ka dhashaan hawo soo marta marinka codka iyagoo aan waxba celinin. Tus. “a, e, i, o, u, aa, ee iwm”. Sh. culus: shaqallada soomaliyeed iyagoo ah 10 (5 gaagaaban iyo 5 dhaadheer) ayaa haddana midkiiba uu yeelan karaa laba cod: mid “culus” sida “dųul” (oo ah duullaan u bixid) iyo mid “fudud” sida “duul” (oo ah haadid).

Shaqal

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-qlay, -qashay)

1. Wax shaqal ku qurxin. 2. Xuruuf carabi ah xarako u yeelid. 3. Dhiil, haruub iwm maro ku dahaarid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga shaqal

a | e | o | u | xadaf | alan | alifba' | codkac | hoosdhaw | hoosdhaw |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version