Site icon Qaamuus

ereyga

Shiil

Qaabnaxa: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine Isrogrogga: (-lal/-lo, m.l)

1. Qodob madaxiisa ballaaran oo inta la kululeeyey wax buka lagu gubayo. 2. Barta ama raadka uu oogada ku reebo dabkaas. 3. Sh. ah: dhagax madow oo marka la isku dhufto dab bixiya. 4. Sh. ah: midab aad u madow oo dadku yeesho.

Shiil

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

Dhagax dab lagu kululeeyey oo caddaaday.

Shiil

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-iilay, -iishay)

1. Subag ama saliid kulul wax ku bislayn. 2. Burcad subag iyo caaneeyo u kala saarid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga shiil

jaawe | kaadishiil | laakoliit | oodkac | oogo-dhul | saaf | taawo | bun | bunayso | burcad |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version