Site icon Qaamuus

ereyga

Shir

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-rar, m.l)

1. Isu imaadka dad badan isugu imaadaan meel si ay arrimo waaweyn oo u dan ah uga wada hadlaan. 2. Baabuur intiisa hore, meesha uu waduhu fariisto. 3. Waqti, goor. 4. Cayaar sacab, jaan iyo jiiba leh oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo hab dhoolatusad ah loo soo bandhigo.

Shir

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:

Ciyaar sacab, jaan iyo miro leh kana mid ah hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, hab dhoola tusad ahna leh.

Shir

Qaabnaxa: Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1 Isrogrogga: (-ray, -rtay)

1. (f.g) Meel daloosha daboolid. 2. (f.g) Gabar la guday tolid. 3. (f.mg) Dad badan si ay uga wada hadlaan arrimo u dan ah meel ku kulmid. 4. (f.mg) Dhallinyaro cayaarta shirka dhee-lid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga shir

qaabbil | caabbiri | yabooh | yaboohi | gaaf | kaadishir | kaadishir | kaadishirid | saami | yohoon |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version