Site icon Qaamuus

ereyga

sooco
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-cday, -catay)

1. Wax intooda fiican xulasho. 2. Kala s.: wax isku jira noocyada ay u kala baxaan u kala saarasho. 3. Wax isku darsan inta qof leeyahay ka baxsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sooco

cadaadis-siimow [m.l]
(baay.) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.

cimilo-fidsan [m.dh]
(juqr.) Cimilada gobol cimileed weyn, sida, cimilada tundara, ama bed kale oo weyn sida qaarad, si looga sooco cimilo kooban.

kollooydh-soocid [m.dh]
(baay.) Dariiqo molikuyuulada waaweyn (sida istaarajka ama borotiinka) iyo molikuyuulada yaryar (sida guluukows ama amiino asiidhada) oo ku wada jira milan lagu kala sooco iyada oo la adeegsanaayo siimow xulasho oo la dhexmarinaayo xuub badh-habe ah.

kooxaha dhiigga [m.l]
(baay.) Noocyada farabadan ee dhiigga dadka loo kala sooco. Waxay ku xidhan tahay joogista iyo maqnaanshaha qaar ka mid ah borootiinnada (lid jidh-dhaliyayaal) unugyada cascas guudkooda. Koox dhiiggoodu waxa uu ka koobanyahay lid jidh-galayaal ku jiramuudka kaas oo ka hor yimaadda lid jidh-dhaliyayaasha kooxaha kale.

midabsawir-saafid [m.l]
(kiim.) Xeelad lagu kala sooco ama lagu saafo iskujirrada kakan. Dhawr xeeladood oo la xiriira habkan ayaa jira, kuwa ugu muhiimsanina waa: midabsawir saafid dhuumeed, midabsawir saafid warqadeed, midabsawir saafidda lakabka dhuuban, midabsawir saafid neefeed iyo midabsawir saafidda isweydaarinta ayooneed.

midabtakoor [m.l]
1. (fals.) Falsafad xun oo dadka midab midab u kala soocda oo isku dirta intà gun iyo gob ka kala dhigta. 2. (siyaa.) Hab siyaasadeed oo lagaga dhaqmi jiray koonfur Afrika, kaasoo dadka lagu kala soocoyo sharci ku dhisan midabtakoor. ld midabfaquuq¹.

miyir [Magac Lab | Noun Masculine]
1. Kartida wax lagu kale sooco ama lagu garto, caqli; maan. 2. Digtoonaan iyo isjirid wax lagu qabto si aan wax dhibaato keena u dhicin, degganaan, xasilloonaan. 3. ld miir 1 (2).

qayb-xareedayn [m.dh] (-bo ..., m.l)
(kiim.) Hab xareedayn ah oo la sameeyo iyada oo la isticmaalayo dhuun fidsan oo ku qotonta dhalada xareedaynta. Habkani wuxu suurogelinayaa in hoorarka loo kala sooco qaybo heerka bididdoodu kala duwantahay laguna ururiyo herkullo kala geddisan.

sinjifaquuq [m.l]
Kala soocidda dad midab lagu kala sooco.

soocasho [m.f.dh]
eeg sooco. ld soocad.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version