soomaaliyee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-yeeyay, -yaysay)Soomaali ka dhigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soomaaliyee ↴
beerrey [m.dh]
1. Nooc ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed ka mid ah, oo leh jiib, jaan, sacab iyo biro la isku garaaco oo ragga iyo dumarku ay wada ciyaaraan. 2. ld beeraley.
dabshid [m.l]
Dabbaaldeg lagu maamuuso dhammaadka sanad qorraxeedka soomaaliyeed oo ku aaddan toddobaadka u dambeeya bisha Luulyo, laguna xuso ciyaaro kala duwan iyo dab la shido.
darwiish [m.l] (-raawish, m.dh)
Mid ka mid ah ciidankii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee u dagaallami jirey xornimada Soomaaliyeed.
duubcad [m.dh]
Askaartii soomaaliyeed oo Talyaanigu u qortay inay 1935 kala qaybgalaan dagaalkii Amxaarada.
kays [m.l]
(nax.) Isbeddel sarfeed oo ku dhaca qaabka ereyada qaarkood (siiba magacyada), oo muujinaya xiriirka naxweed ee qaabkaasi uu la leeyahay weerta inteeda kale; waa seddaxda habdhis kaysyada soomaaliyeed waxaana ka mid ah: kays yeelaale oo ah marka magaca yeele uu dhammaadkiisa ka muuqdo -u ama -i. Labada kale waa: kays yeermo iyo kays lahaansho.
kuweer [mu.ti.w]
Magacuyaal tilmaame oo wadar, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tus. “ Waa kuweer hablihii soomaaliyeed”.
maraamiir [m.l]
(c.nafl.) Nooc mallaayga gadiirka u eg oo badda soomaaliyeed ku badan.
seylici [m.dh]
1. Qayb ka mid ah dariiqada qaadiriyada. 2. Nooc ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed oo jiib iyo jaan leh, oo ragga iyo dumarkuba wada cayaaraan.
shabshable [m.l]
1. Geed-nagaar leh caleemo iyo ubax yaryar, aan qodax lahayn oo wax lagu daaweeyo. 2. Hab ceel biyo looga soo saaro oo laba nin si dhaqso badan wadaanta u soo bixiyaan. 3. Cayaar kuwa hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ka mid ah oo leh jiib iyo jaan, ragga iyo dumarkuna wada dheelaan.
shir [m.l] (-rar, m.l)
1. Isu imaadka dad badan isugu imaadaan meel si ay arrimo waaweyn oo u dan ah uga wada hadlaan. 2. Baabuur intiisa hore, meesha uu waduhu fariisto. 3. Waqti, goor. 4. Cayaar sacab, jaan iyo jiiba leh oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo hab dhoolatusad ah loo soo bandhigo.