Site icon Qaamuus

ereyga

talaggal
(m.l)

1. T. ah: qof talo bixin kara; ujedda; qorshe. 2. ld talaggelid.

talaggal
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-alay, -ashay; -geli)

Ku t.: wax qorshaysasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh talaggal

faalikad [m.dh] (-do, m.l)
Jirrid geed weyn oo go'an oo dhismo loogu talaggalay.

ohon [m.dh]
Badar, beer ka soo go'ay inta loogu talaggalay in la cuno.

raadiyografi [m.l] (-iyo, m.dh)
(daaw.) Raajada cuduraqoonsiga. Farsamada baari-taanka jirka ayadoo la dhexmarsiinayo fallaraha ekis (x-rays), waxay soo saartaa sawirro (raadiyograafis) ku yaal beniikol loogu talaggalay ama iskriin fallooroshidan leh. Raadiyograafka waxaa loo adeegsadaa cudur aqoonsiga: lafaha jaba, boogcaloo-leed, iyo dhagax gala xameeytihaysta ama kelyaha, marka baaritaanka dibedda uu ku fillaan waayo cudur aqoonsiga.

sab [m.dh]
1. Qolo raacatada soomaliyeed u liidi jirtay dawla'aan. 2. Cunto badan oo allabbari loogu talaggalay; dayaafad.

yeeg-bishiish [m.l] (-shyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay, dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena lix dhibcood. ld shiish-biyeeg

baaqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qday, -qatay)
1. Meel tegiddeeda ka maqnaan. 2. Ka b.: wax waqtigii loogu talaggalay dib uga dhicid. Tus. “Shirkii wuu baaqday”.

baarroho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
Dhiil yar oo loogu talaggalay in lagu shubo caanaha dhayda ah ee la rabo in ay fadhi noqdaan.

biishad [m.dh] (-do, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min shan dhibcood ku leh. ld banjiyad.

birqabad-dhalis [m.l] (-dyo ..., m.dh)
(daaw.) Alaab birqabatada qaabkeeda leh oo loogu talaggalay in takhaatiirtu wax ku qabato oo ku soo jiiddo. Noocyo kala duwan ayaa jira, midda ugu muhiimsan waa tan lagu dhaliyo ilmaha ayadoo madaxa looga qabanayo laguna soo jiidayo, dhibaatana aan la gaarsiin.

caddaan-bibiish [m.l] (-shyo, m.dh)
Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad dhinacna shan dhibcood ku leh. ld biish-bicaddaan, caddaan-bibanji.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version