taxo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-xday, -xatay)Wax iniino ah, dhexda ka daloola dun iskula xiriirasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh taxo ↴
nacaal [m.l]
1. Masaabir sal buuran oo xagga hoose lagaga taxo kabaha. 2. Bir qoobabka fardaha lagu dhejiyo.
dhafandhaaf [m.l]
1. Fal laba dhinac oo iska soo horjeeda si darandoorri ah isu weydaarin. 2. Hab wax loo taxo iyadoo laba wax oo aan isku nooc ahayn si talantaalli ah la isugu xijinayo.
dhambal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Raro. 2. Nooc aleesha ka mid ah oo inta la taxo dhiilasha iwm lagu qurxiyo. ld dhombol.
faataxo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Suuradda ugu horreysa kitaabka Qur'aanka kariimka.
kuul [m.dh] (-lo, m.l)
Iniinyo kulkulucsan oo dhalo iwm ka sameysan, dhexdana ka daloola oo inta dun lagu taxo qoorta haweenku ku xirtaan, si ay ugu xarragoodaan.
taxaabid [m.f.dh]
eeg taxow. ld taxaabo.
taxasho [m.f.dh]
eeg taxo.
taxooran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa,-rnayd)
1. Qof dadka kala ka soocan ahaansho. 2. Ku t.: qof wax caan ku ah ahaansho.
taxow [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xaabay, -xaabtay; xaabi)
1. Fardaha jare ku wadid ama ku garqaadid, iyadoo la soconayo, la lugaynayo. 2. Qof xoog ku wadid.