Site icon Qaamuus

ereyga

tolay
(m.l)

Weel qabo (geed), caw, argeeg iwm ka samaysan. ld tolayo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tolay

ceemad [m.dh] (-do, m.l)
Harag sida jawaanka loo tolay oo lagu gurto badarka, alaabta iwm.

curuq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Laab ama guntin yar oo gala wax la tolayo. 2. Xanuun yar oo laga dareemo murqaha iyo seedaha kolka fadhi lagu raago. 3. ld curqid.

curuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rqay, -ruqday; -rqi)
1. Shay la tolay ama la falkiyey guntiin yeelasho. 2. Kaddib markii fadhi lagu raago xanuun yar murqaha ka dareemid. Tus. “Lug baa i curuqday”.

dhaadan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-dnaa, -dnayd)
1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iwm).

dhiil [m.dh] (-lo, m.l)
Weel tolay ah, sidde iyo aabur leh, aagaanta ka yar oo caanaha lagu shubto.

dhugi [m.dh]
Harag ari oo sida maro loo tolay. ld dhuu.

doobi [m.l] (-iyo, m.dh)
Weel af ballaaran, dabool lahayn, la tolay ama la qoray oo geela lagu maalo. ld doobke, doobte, toobke, toobte.

garabqodo [m.dh]
Nooc ka mid ah xarar lagu sameeyo weelasha wax lagu shubto marka la tolayo; lugdheer; macata.

gashan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
Wax shay la fasilay ama la tolay xiran ahaansh.

gasho [f.g/lg3] (-shaday, -shatay)
1. (f.g) Wax la fasilay xirasho. 2. (f.g) Wax la tolay xirasho (kabo iwm). 3. (f.lg) Wax gudihiisa, wax ku ridasho. Tus. “Jeebka lacagta gasho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version