Site icon Qaamuus

ereyga

tolayo
(m.dh)

ld tolay.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh tolayo

curuq [m.l] (-qyo, m.dh)
1. Laab ama guntin yar oo gala wax la tolayo. 2. Xanuun yar oo laga dareemo murqaha iyo seedaha kolka fadhi lagu raago. 3. ld curqid.

garabqodo [m.dh]
Nooc ka mid ah xarar lagu sameeyo weelasha wax lagu shubto marka la tolayo; lugdheer; macata.

gucun [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-mmo, m.dh)
1. Duub yar oo caw, argeeg, qabo iwm oo weelasha la tolayo meerisyada kor iyo hoos laga mariyo. 2. Gas yar oo ku hara weelasha la tolo oo laga jaro inta aan la xoolayn. 3. Cad dun ah.

kabadhige [m.l] (-gayaal, m.l/dh)
Qori jilicsan oo kabaha marka la tolayo hoos looga dhigo.

tigtig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
Wax la tolayo ama la xirayo dhuujin.

tolay [m.l]
Weel qabo (geed), caw, argeeg iwm ka samaysan. ld tolayo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version