Site icon Qaamuus

ereyga

toobe
(m.l) (-bayaal, m.l/dh)

Geed ka soo baxa jirrid dhulka hoostiisa ah, ka dibna bannaanka u soo baxa, isaga oo ka soo baxaya meel ka durugsan jirriddii hore. Waxa suurto gal ah inuu xidid la baxo oo uu geed goonniya noqdo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh toobe

footoobeegid [m.dh]
(fiis.) Barashada kaahinta la arko, gaar ahaan xisaabinta iyo cabbiraadda itaalka iftiimeed, falaqaska iftiimeed iwm. Xaaladaha qaarkood, xisaabinta f.du waxa ay gaartaa ilaa hirarka birlab-danabeedka ee casaan-hoosaadka iyo altaraafiyooletka.

gaawe [m.l] (-wayaal, m.l/dh)
Haruub weyn oo geela lagu maalo, toobe; haruubgaal.

xantoobee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
Wax xantoobo ku qaadid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version