toor
(m.l)1. Beer iyo hilib la yar yareeyey oo la isku shiilay. 2. Bun duban, caano, daango iwm oo la isku daray.
toor
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ray, -rtay)1. Bun duban, caano, daango iwm isku darid. 2. Beer, hilib iyo xayr isku shiilid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh toor ↴
daabac [m.l]
1. Duub dun ah oo maryaha lagu
xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo,m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid. daabicid
gaallays [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Toorrey g. ah: toorrey dheer oo birsulub leh oo lagu dagaallamo.
gaalleef [m.dh] (-ffo, m.)
1. Nooc ka mid ah toorreyda oo godan. 2. Mindi dheer oo godan oo qaab toorrey leh.
qaarri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Mindi, masaar, toorray iwm oo afbeeshay soofayn.
yahan [m.l]
1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.
atoor [m.l] (-rro, m.dh)
Sagaarada midkeeda lab.
bastooreyn [m.dh]
(daaw.) Kululeynta caano ilaa kulku gaaro 65°C oo lagu hayo soddon daqiiqadood (30), ama kulka la gaarsiiyo ila 72°C laguna hayo shan iyo toban daqiiqadood (15), si loo dilo baktiiriyada ay ka mid yihiin kan qaaxada iyo kan tiifowga.
darab [m.dh]
1. Toorrey, billaawe iwm daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay. 2. ld darib.
dhanbalan [m.l]
(kiim.) U faliidhanka bu'da atam culus ee labo jab ama in ka badan oo xajmi ahaan isku dhow, taas oo ka dhalata niyuutaroon tamaraysan oo ku dhaca bu'da atamka. Caadi ahaan, waxaa weheliya bixinta niyuutaroonno ama fallaaraha gaama. Bulootooniyam, yuraaniyam iyo tooriyam waa curiyeyaasha dhanbalma kuwa ugu muhiimsan. eeg dh. bu'eed.
dhilis [m.dh]
Mindida, masaarta, toorrayda iwm oo aan daab lahayn.