toorrey
(m.dh) (-yo, m.l)Mindi af godan leh oo labada dhinac wax ku goysa, caarad dhuuban, daab xardhan oo gees ama caag ka samaysan iyo gal leh oo raggu qaato. ld toorri.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh toorrey ↴
daabac [m.l]
1. Duub dun ah oo maryaha lagu
xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo,m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid. daabicid
gaallays [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Toorrey g. ah: toorrey dheer oo birsulub leh oo lagu dagaallamo.
gaalleef [m.dh] (-ffo, m.)
1. Nooc ka mid ah toorreyda oo godan. 2. Mindi dheer oo godan oo qaab toorrey leh.
darab [m.dh]
1. Toorrey, billaawe iwm daabkooda meesha ugu sarreysa ee quruxda loogu talagalay. 2. ld darib.
shucub [m.l] (-bbo, m.dh)
1. Dun, mayrax iwm oo wax lagu qurxiyo. 2. Cutub ubax ama miro ah oo isku meel ka soo baxay, sida miraha canabka. 3. Toorrey daabkeeda inta sare ee maartu ku jirto.
toorri [m.dh]
ld toorrey.