uraa
(m.l)Geed-quwaax ur sillan oo aad u lifaaqoon leh: ur cayayaanka iyo bahal-hoosaadka lagu laayo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh uraa ↴
saac [m.l]
1. Maalinta oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyey meesheed; saacad. 2. Uraad; urshi.
uraad [m.dh]
Saaca iyo waxtarka daaqu leeyahay. ld urshi.
urshi [m.dh]
ld uraad.
baalquraanle [m.l]
Nooc ka mid ah ayaxa oo baalal guduudan oo xardhan leh.
bir-ajuuraan [m.dh]
1. Bir budo laga dhigay oo lagu daaweeyo caruurta caddaadka qabta. 2. ld birxaar. 3. bir 1 (3).
buraambur [m.l] (-rro, m.dh)
Ciyaar hees iyo reeme lagu tumo oo ay haweenku ciyaaraan. 2. Nooc maansada ka mid ah oo ay haweenku tiriyaan.
buraambur [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
1. Buraambur tirin. 2. Buraambur ciyaarid.
buraamburid [m.f.dh]
eeg buraambur².
buraash [m.l]
1. (-shiyo, m.dh) ld burush. Qalab qori ah oo sayn, riir iwm dhan ku leh oo wax lagu nadiifyo ama lagu riinjiyeeyo. 2. ld buraashid.