Site icon Qaamuus

ereyga

usar
(m.l)

ld unsar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh usar

unsar [m.l]
Wasakh yar oo ku jirta weel hoore ku jira salkiisa. ld usar.

musaraar [m.l]
1. ld musaraarid. Ku farxidda qof aad ugu farxo wax uu helay. 2. Argagax ama sas ama wax kale oo lala maanwareero; jidbo.

musaraar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Qof si aad ah u farxid, musaraar ku dhicid. ld musareer², musuraar².

musaraarid [m.f.dh]
eeg musaraar². ld musaraar¹ (1), musareer¹, musareerid, musuraar¹ .

musaraarsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax aad u fararxsan ahaansho. ld musareersan, musuraarsan.

musaraarsanaan [m.f.dh]
eeg musaraarsan. ld musaraarsanaansho, musareersanaan.

musaraarsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld musaraarsanaan.

musareed [m.l]
Xerada ariga aaggeeda.

musareen [m.l] (-nno, m.dh)
1. Laba xiddig oo waaweyn oo ka soo baxa cirka dhankiis koofureed. 2. Dabayl sanadka bishiisa koowaad ama labaad ka dhacda woqooyiga Soomaaliya.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version