Site icon Qaamuus

ereyga

Waa

Qaabnaxa: Qurub | Diirad, Particle | Focus Isrogrogga:

Qurub lagu muujiyo waxa laga sheego yeelaha weerta. Tus. 'Cali waa yimid';'Ninkanu waa macallinka cusub ee dugsiga'.

Waa

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-aayay, -aayday; -aayi)

1. Wax helid la'aan. 2. La w.: yool aad tooganaysay riddadii. Garab la marid.

Waa

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-aayo, m.l)

1. Maalinta gelinkeeda hore billaawgiisa; subax; arooryo. 2. Xilli; waqti; jeer; goor. arooryo, jeer, goor, subax, waqti, xilli

Waa

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-aayo, m.l)

(jool.)Mid ka mid ah qaybaha waaweyn ee taxanaha waqtiga jiyoolojiyeed (ee ka dambeeya kambiriyanka horreeyaha). Waaga, laf ahaantiisa waxaa loo kala aqoonsanyihiin saddex waa - aaliyo soyik, mesosoyik iyo saynsoyik, kuwaas oo ku fidsan ilaa 6 (lix) milyan sano ee la soo dhaafay.
Jaaqla-waaqla*

Meel cidlo ah dad iyo xoolo toona ayna joogin oo gamaahiir ah,


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Waakawataa waakasitaa*

Waa ka Sitaa, Waa ka wataa Waa kawadanaa Waa ka sidataan……jamac Ahaan


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Waax, Fallar, Leber, Yaaw, Yuuc*

Waax = 1/4 Fallar = 1/8 Leber = 1/16 Yaaw = 1/32 Yuuc = 1/64


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Hadal badan bar waa been*

Hadal badan bar waa been


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Hadal badan bar waa been*

Hadal badan bar waa been


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Hadal badan bar waa been*

Hadal badan bar waa been


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Waa maxay Gowracato?*

  Cuddurkaan Gawracatada waxaa af laatiinka lagu yiraahdaa Diphtheria. Wuxuu ka mid yahay cuddurada halista ah ee dilaaga ah. Wuxuu inta badan ku dhacaa carruurta iyo dadka da’da ah. Waxaa keenta nooc baakteeriya ah oo la yiraahdo Corynebacterium diphtheriae. Gawracatadu waxay weerartaa qaybta hore ee habdhiska neef-qaadashada sida sanka iyo hunguriga cad oo ee ay hawadu marto. Cuddurkaan waa cuddur aad u faafa oo lagu kala qaado marka ilmo ama qof qabaa uu hindhiso ama qufaco oo uu hawada galiyo dhibco ay la socdaan baakteeriyadii Gawracatada keenaysay. Marka uu jirka soo galo jeermiska keena gawracatadu waxay qofka calaamadaha cuddurku uga soo bixi karaan inta u dhaxaysa maalin ama asbuuc. Soomaalidu cuddurkaan magac fiican bay u heshay, waayo sida uu u dhaco cuddurkaani waa baakateeriyada keenta gawracatadu waxay ku sii daysaa nudayaasha(tissue) ku yaal neef-mareenka sida cunaha iyo sanka sun, taas oo ku keenta in xubnahaas uu ku dahaarmo xuub jilif ah oo yareeya dhumacda hawo-mareenka. Sidoo kale gawracatadu waxay bararisaa qanjirada luqunta ku teedsan.  

Calaamadaha lagu garto Gawracatada ?
Calaamadaha gawracatadu waxay bilowdaan maalin ama asbuuc ka dib marka caabuqu yimaado.

Haddii sunta ay gawracatadu sii daynayso sii socoto waxaa suuragal ah in suntu dhiigga oo dhan gaarto, oo markaas ay jiradu gaarto wadnaha iyo kelyaha ilaa aakhirka qofku galo miyir-beel iyo geeri degdeg ah.  

Daawaynta Gawracatada
Carruurta iyo dadka kale ee ay haleeshay gawracatadu waxay u baahan yihiin daawayn degdeg ah oo weliba isbitaalka lagu siiyo. Marka la xaqiijiyo jirrada waxaa la siiyaa qofka irbad lagu durayo muruqa ama xiddidka laga siinayo oo milaysa suntii baakteeriyadu jirka ku sii daysay. Dabadeed waxaa la siiyaa bukaanka daawooyinka Anti-biyootiga si loo dilo baakteeriyada gawracatada keenta. Wuxuu kale oo bukaanku u baahan karaa in hawo ogsijiin ah oo sanka laga siiyo. Marka jeermigu asiibo xubno badan oo jirkaa wuxuu bukaanku u baahanayaa in xiddidka laga siiyo daawooyinka iyo dareerayaasha fuuqa soo celiya. Mararka qaarkood haddii suntu gaarto muruqa wadnaha bukaanku wuxuu u baahanayaa daawooyinka wadnaha.  

Sidee looga hortgaa gawracatada
Sida ugu wanaagsan ee looga hortagaa waa in carruurta loo dhamaystiraa tallaalka, gaar ahaan kan gawracatada oo dhamaan laga helo goobaha caafimaadka. Talaalka loogaga hortago gawracatada waa kan isagu jira saddexda nooc ee cuddur dilaa ee gawracatada, Teetanada iyo qiix-dheerta oo la yiraahdo DPT. Dhawaan Qaramada Midoobay Soomaaliya waxay ka bilaabeen tallaal cusub oo shanle ah ka hortagaya shanta cuddur ee kala ah gawracatada, teetanada, qiix-dheerta, hepatitis B iyo Hibs( Haemophilus influenzae Nooca B)oo ah nooca baakteeriyada ah ee keenta menegitiska iyo nimooniyada.  

Siyaabaha kale ee looga hortago gawracatada:
Haddii aad wajahday ama aad maamushay qof la jirran gawracatada u sheeg dhaqtarkaaga oo waydii in aad antibiotic qaadan karto iyo inkale. Qof kasta oo la kulmay qof caabuqa gawracatadu hayo wuxuu u baahan yahay in la tallaalo.  

Xigasho
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga waa

aabburan | aabburan | aad | aadimo | b | ba | eber sugan | o | odayow | t |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version