Site icon Qaamuus

ereyga

waaray
(m.l)

Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh waaray

awaarayn [m.f.dh]
eeg awaare.

dhaldhalaal [m.l]
Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn. ld dhaldhalaalid.

dhaldhalaal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aalay, -aashay)
Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn yeelasho (wax).

libin [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo woqooyiga-bari ee Keenya; qubleey, maanyo, manyiikay, waaray.

maanyo [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada hoose, waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; qubley, manyiikay, libin, waaray.

xawaarayn [m.f.dh]
eeg xawaaree.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version