Waayo
Qaabnaxa: m.l.w Isrogrogga:1. Waqti hore oo la soo dhaafay. 2. Dhacdooyin la soo joogay; wacaal. 3. Arrin; xaal; sah. 4. Dhibaha adduunka; tabaalo.
Waayo
Qaabnaxa: Xiriiriye | Conjunction Isrogrogga: (nax.)Erey lagu xiriiriyo weer sababley ah; sababtu waxaa weeye, maxaajira, maxaawacay, maxaayeelay. Tus. “Xasan wuu iska tegay, waayo, waad ka caraysiisay”.
Waayo
Qaabnaxa: e.we Isrogrogga:1. Waa ayo?, waa kuma? 2. Sababtu maxay tahay?
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga waayo ↴
odayow | xaajayaqaan | jaahwareer | baadiggef | haalaati | kaalandar | maahmaah | olol | orgeysguur | qaarqaad |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg