wareeri
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Cid wareer ku ridid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wareeri ↴
jaahwareeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid qas iyo shaki gelin. ld jahawareeri. jahawareeri
jaahwareerid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaahwareer². ld jaahwareer¹ (2), jahawareer¹, jahawareerid. jaahwareer, jahawareer, jahawareerid
jaahwareerin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg jaahwareeri. ld jahawareerin. jaahwareeri, jahawareerin
asqaysii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
1. Cid wax aqsaysan ka dhigid. 2. Cid hadal ku wareerin. ld aqsaysii.
bardad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cabsi kediso ah la wareerid; argaggexid. ld barkad², barkag², berded², berkeg².
daandaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Feer, laad iwm cid ku wareerin.
dhabarjebi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof hawl dhib badan ku qabasho. 2. Gadaal ka soo wareerid (cadaw iwm).
dhaqanwareeri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Bulsho dhaqanhabow ku beerid.
dhaqanwareerid [m.f.dh]
eeg dhaqanwareer². ld dhaqanwareeris².
dhaqanwareerin [m.f.dh]
eeg dhaqanwareeri. ld dhaqanwareeris¹.