wargeys
(m.l)1. (-syo, m.dh) Xaashi ama xaashiyo war ku yaal oo wakhti go'an soo baxa sida maalin, toddobaad, bil iwm oo inta la daabaco la faafiyo; joornaal. 2. ld wargeyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wargeys ↴
kaa [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee kelida ah. Tus. “Cali wargeyska ayuu iiga kaa qaatay”.
caddad [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Wax tiro ahaan inta uu ka koobanyahay. 2. Wargeys, qoraal iwm oo si isdabajoog ah u soo baxa, lambarka ay leyihiin inta isku mar soo baxda.
jornaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Wargeys. 2. Waraaqo meelaha ganacsiga wax looga duubto.
maktabad [m.dh] (-do, m.l)
1. Meel buugag badan oo kala jaad ah yaalliin oo laga amaahsado ama lagu akhristo. 2. Dukaan buuggagta, wargeysada, waraaqaha xafiiska iwm loogu iibsho.
qodob [m.l] (-dbo, m.l)
1. Dun, xarig iwm oo laba waxood ama ka badan la iskula qabto. 2. Musmaar gaaban oo dabada u buuran oo kabaha lagu qurxiyo. 3. Qaybaha sharciga u qaybsama mid ka mid ah. 4. Summad xoolaha lagu dhigto oo u eg nuunka carabiga oo hoos u jeeda. 5. Qormooyinka wargeyska ku qoran mid ka mid ah; maqaal; qormo.
shirjaraa'id [m.l]
Shir wargeysyada.
toddobaadle [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Joornaal, wargeys iwm oo toddobadii beri mar soo baxa.
warfidiyeen [m.l] (-nno, m.dh)
Dad wargeysyo qora.
wargeyn [m.f.dh]
eeg wargee. ld wargeys.