Site icon Qaamuus

ereyga

xanaf
(m.dh)

Taag taag yaryar oo soofe iwm ay leeyihiin oo dhaawaca wixii lagu xoqo; dardar; xajiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xanaf

xallaafato [m.dh]
Qalab bir ah oo af galoolan iyo daab qori ah leh oo marka geedaha la qorayo xanafta looga bi'iyo; xalleefato.

yahan [m.l]
1. Dhagax, adag, xanaf leh oo middiyaha, toorriyaha iwm lagu afeeyo. 2. Baydari; ugaarsade; laaye; dile; hargaanti. 3. Hadii magac gadaal loogu liifaqo xirfad ayuu muujiyaa. Tus. “Dagaalyahan, aqoon-yahan iwm”.

aneexo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Geed nagaar faalala oo leh caleemo yaryar oo xanaf leh iyo miro kulkulucsan oo la cuno. ld uneexo.

dhagax-lool [m.l] (-llo, m.dh)
Dhagax madow, xanaf leh oo birta lagu afeeyo; lisin.

dhexgal [m.l]
(fiis.) Dh. ileyska: firidhsanka ileys noqodka oo ay sababtay dusha xanafta leh ee uu ileysku abbaaray ama ku dhacay.

dhuxun [m.l]
Dhagax gaar ah oo badanaa guduudan oo xanaf leh oo mindiyaha iwm lagu afeeyo; lisin.

gubungub [m.l]
Nooc cawska ka mid ah oo leh fiid xanaf leh oo laga dhigto kashkaash, weelashana lagu deebiyo. ld gubaangub.

kiriiri [m.l]
1. Geed-gaab, geed-madow ah oo cufan oo leh miro kuuskuusan oo hurdi ah iyo caleen xanaf leh. 2. (-iyo, m.dh) Waxyaalo jaadad badan ah oo salka loo dhuubo, oo inta faraha lagu wareejiyo ama xarig salka lagala dhaco, lagu cayaaro oo aad u xiima una dheereeya.

sulub [m.l]
1. S. ah: wax aan xanaf lahayn. 2. (-byo, m.dh) Dhagax adag oo aan meel la qabsado lahayn. 3. (-byo, m.dh) Xabbadda marka laga saaro gumaca iyo baaruudda.

sulux [m.l]
1. Heshiis. 2. S. ah: dul siman oo aan xanaf lahayn. 2. S. ah: caano dhay ah oo qabow; galax.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version