xiriirin
(m.f.dh)eeg xiriiri.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xiriirin ↴
dabaxir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
Ku d.: wax, wax kale ku xiriirin.
filaariya [m.l]
(daaw.) Deriskunool ka tirsan qaybta “nematodeka” wuxuuna wax yeelleeyaa soohyada xiriirinta iyo linfaatikada.
tax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday; -tixi)
Wax iniino ah, dhexda ka daloola dun iskula xiriirin.
telefooniiste [m.l] (-tayaal, m.l/dh)
1. Qof aqoon u leh farsamada teleefoonka. 2. Qof ka shaqeeya xiriirinta teleefoonka.
xiriiriye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(nax.) Curi-yeyaal aan isbeddeleyn oo loo adeegsado xiriirin labo erey ama labo koox erey oo weer iskula jira amaba labo weerood oo kala madax bannaan. Tus. “Sahal iyo Malyuun waa walaalo”.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg