Site icon Qaamuus

ereyga

xog
(m.l)

ld xoq¹.

xog
(m.dh)

1. Arrin xaqiiqdeeda dhabta ah. 2. ld xoq¹.

xog
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-gay, -gtay)

ld xoq³.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh xog

og [m.l]
1. ld ogaan (1). Garasho wax loo leeyahay; arrintaas ogaal baan u falay. 2. Xog wax laga hayo. Tus. “Ogaalkay nabadgelyo ayaa halkaa ka jirtay”. 3. Xog'ogaal: oogaanta wax guntooda la ogyahay. ogaan

ogeysii [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iiyay, -iisay)
Cid xog u sheegid.

jaasuus [m.l] (-siin/-syo, m.dh)
1. Qof si qarsoodi ah xog u uruuriya una gudbiya meelaha ay qusayso (qaran, urur, qof iwm); basaas. 2. Qof dadka hadalka isaga qaada oo isku dira; warxungee. ld jaajuus¹.

ogsoonow [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-naaday, -naatay)
Arrin xogteeda wax la socda noqosho.

qaafil [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-llo/-liin, m.dh)
1. Q. ah: qof aan si sahlan wax lagu dhacsiin karin. 2. Xog ogaal la'aan. 3. Qof maskaxdiisu meqantahay, maahsan.

wacaal [m.dh]
Wax jira; war; xog. Tus. “War iyo w. midna uma hayo”.

afgobaadso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Hadal macaan oo hufan oo eed ka carar darteeda keliya u dhihid. 2. Si asluub leh arrin uga xogwarramid (qof).

akid [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Cid ra'yigeeda ku raacid. 2. War hore loo sheegay xogtiisa sugid.

bayti [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Baadi maqan xogteeda sheegid. 2. Baadi maqan xogteeda cid weyddiin.

cirridbaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
War ama xog lagu tuhmayo inuu wax ka ogyahay, qof si dadban u weyddiin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version