adaan
(Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent)Magacuyaalka qofka labaad oo ka kooban 'adi', 'aa 1' iyo 'aan 1'.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adaan ↴
aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan
aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda.
2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan
gaadaan [m.l]
Qarqarsi. qarqarsi
gaadaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.
haadaan [m.dh] (-aamo, m.l)
1. Dhul jeexan, weyn oo hoos u dheer; qar ama bohol. 2. Geedka dharkeynka.
gaadaansad [m.l]
ld gaadaansasho. gaadaansasho
gaadaansan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax si gaadaan ah loo xiray ahaansho (awr la rarayo).
gaadaansanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaadaansan. ld gaadaansanaansho. gaadaansan, gaadaansanaansho
gaadaansanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld gaadaansanaan. gaadaansanaan
gaadaansasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg gaadaanso. ld gaadaansad, gaadaansi. gaadaanso, gaadaansad, gaadaansi