askax
(m.dh)1. Geed dhirta yaryar ka mid ah oo mirihiisa ceeriinka lagu cuno. 2. Miraha geedka askaxa. 3. A. ka dhig: gumaadid. ld askaax.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh askax ↴
unug-maskaxeedka dhaqaaqa [m.l]
(c.nafl.) Unugyada sameeya mareennada u dhexeeya maskaxda iyo xubinta dhaqaaqa, (muruqa, lafaha) midkood.
askaax [m.dh]
ld askax.
dhiigbax-maskaxeed [m.l]
(daaw.) Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.
halaamacoodka sooh-maskaxeedka [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka maskaxda waxa keeni kara fiirus ama baktiiriya ama waxay ka iman kartaa jir kahsi ka yimid talaal.
jirrid-maskaxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.
lakab-bayga maskax-horaad [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.nafl.) Lakab ka kooban walax ramaadi ah kaas oo sameeya lakabka sare ee siribaramka lafdhabarley badan. Waxay aad ugu horumarsan tahay naasleyda. Waxay masu'uul ka tahay xukunka iyo isugeynta dhaqdhaqaaqa iraadiga ah iyo dareennada aragga, maqalka, taabashada iwm. Waxa kale oo ay ka kooban tahay xarumo ku shuqul leh xusuusta, luqadda, fekerka iyo garaadka.
maskax [m.dh] (-koxo, m.l)
1. (c.nafl.) Dhuux weyn, cad lafta madaxa gudaheeda ku jirta oo xukunta garashada, hadalka, maqalka, aragga, dhadhanka, urta iyo dhaqdhaqaaqa nafleyda. 2. Garaad, caqli.
maskaxbuq [m.dh]
ld madaxbuq.
maskax-dambeed [m.dh] (-yo, m.dh)
(c.nafl.) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.