baadi
(m.dh)1. (m.u) Wax lumay sida xoolo, lacag iwm. 2. Qof ka weecday waddada toosan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baadi ↴
yabooh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
1. Ka y.: baadi meel shir ah ka naadin. 2. U y.: cid, cid kale taageero u weyddiin.
yaboohi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.
baadibixiye [m.l]
Qof baadida uu arko dhaqaaleeya oo dadkii lahaa ku sima.
baadibooliye [m.l]
Qof baadida xalaaleysta.
baadicarar [m.l]
Neef baadi ah oo reerihii uu la joogay ka carara.
baadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baad². baad
baadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baad². baad
baadiddoon [m.l]
1. B. ah: cid baadi luntay raadinaysa. 2. ld baadiddoonid. baadiddoonid
baadiddoon [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Raadin wax lumay la raadiyo. 2. Baadi raadin. ld baadiggoob². baadiggoob
baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta
ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u
diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma
Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld
aa¹, ayaa, yaa³.